Kenya oo diyaarineysa dagaal xuduudeed cusub

Xukuumadda ka dhisan dalka Kenya ee uu hogaamiyo Uhuru Kenyaata, Ayaa ka shaqeyneysa dagaal xuduudeed dhexmara dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ka dib markii ay ku soo xadgudubtay xuduud beenaadda u dhaxeysa labada dal, gaar ahaan inta u dhaxaysa magaalooyinka B/xaawo iyo Mandheera, halkaasi oo ay gudaha u soo gashay, ka dibna ka bilowday burburinta waxyaabo astaan u ahaa xadka labada dal.

Sida ay Warbaahinta u sheegeen Masuuliyiin ka soo jeedda deegaankaasi oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha deg. B/xaawo Col. Yuusuf Maxamed Cabdiqadir iyo waliba Odayaal dhaqameedyo kale, Kuwaasi oo dhamaantood xaqiijiyey in lala wareegay dhul Soomaaliyeed. Masuuliyiintaasi, ayaa intaasi ku daray in Kenyaatigu doonayo qaadashada dhulkeena, si ay halkaasi uga dhisaan wax ay ku sheegeen darbi ay kaga hortagaan weerarada uga yimaada Xarakada Al-shabab.

Madaxda hogaamisa dalkan (Kenya) oo runtii u badan kuwa yar yar oo aan khibrad badneyn, Ayaa waxa aad mooddaa in ay ka shaqeynayaan riditaanka dagaal xuduudeed dhexmara labada dal sabab kastaaba haku qasabtee. Tusaale ahaan, Waxa ay gudaha u soo galeen xuduudda Soomaaliya, Iyagoo wato ciidamo xooggan, ka dibna waxa ay burburiyeen waxyaabo astaan u ahaa xad beenaadka ka dhaxeeya labada dal, Taas oo runtii ka dhigan iclaamin dagaal.

Sida ay sheegayaan wararka, Talaabadan ay qaadeen Kenyaantiga ayaanan lagu wargelinin Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka iyo waliba kan Degmada, Taas oo runtii marqaati u ah sida ay Kenyaatigu u quursanayaan Dowladda Federaalka iyo Maamulada ka hoos shaqeeya. Tusaale ahaan, Sow ma’ahayn haddiiba la qaadayo talaabo caynkaasi oo kale ah, in arinkaasi lagala hadlo Dowladda Dhexe, Maadaama ay Iyadu masuul ka tahay dalka oo dhan ? Tan kalase, maxaa diiday in qadiyaddaasi lagala xiriiro Maamulka Degmada si ugu yaraan looga hortago isku-dhac ciidan !

Midda kale, Sow ma’ahayn in Kenyaatigu uu ka fogaado daandaansi iyo dhul-boob hor leh, Maadaama uu taagan yahay muran xagga badda ah ? Mise wey ismahadiyeenoo, Waxa ay hubsadeen in ay Soomaaliya madax u yihiin kuwa uu korsigu kala weyn yahay wax walbe, Amaba ay Iyagu soo barbaariyeen sida Axmed Madoobe oo kale ? Tan kalese, Maxaa horta isku soo beega Madaxtinimada Cumar Cabdirashiid iyo dhul-boobka Kenya ?

Marka aad u fiirsato habdhaqanka Madaxda hogaamisa Dowladda Kenya iyo waliba sida ay u maaraynayaan muranka ka taagan arimaha xadka, Waxaan shaki ku jirin in uu dagaal dhici doono cid kastaaba ha bilawdo dagaalkaase. Tusaale ahaan, wararka ka imaanayo magaalada B/xaawo, Waxa ay sheegayaan in uu jiro diyaargarow dagaal oo ku aadan sidii la isaga difaaci lahaa gardarada iyo dhul-boobka Kenya, halka dhinaca Kenyaatigana isna laga soo sheegayo in uu jiro diyaargarow ku aadan fulinta qorshohooda dhul-boobka ah.

Ficiladan iska soo horjeeda ee ay samaynayaan labad dhinac, Ayaa keeni kara dagaal buuxa oo dhexmara labada dal, waa haddaanan maanta laga hortagine. Tusaale ahaan, Maxaa dhici doona marka ciidamo Kenyaati ah ay burburiyaan xaafado iyo guryo ku yaallo B/xaawo ? Maxaase ka imaan karo ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan degmadaasi iyo waliba dadka deegaanka ? Mase ogolaanayaan dadkaasi in la qaato dhulkooda Iyagoo nool ? Jawaabtu wey iska caddahay balse waxaan rajaynayaa in uu caqliga u soo noqon doono wiilashan yar yar (Uhuro,Ruttu iyo Ducaale) ee hogaamiya Xukuumaddan ka dhisan magaalada Nayroobi.

Damac-waaliyeedkan ay waddo Dowladda Kenya, ayaa imaanayo xilli uu dalka ka jiro mid kaasi ka daran oo ay isna waddo Dowladda Itoobiya ee ay hogaamiso beesha Tigreeda ee ay Soomaalidu caawin jirnay xilli ay mucaaradka ahaayeen. Taasna waxaa daliil u ah waxyaabaha maanta ka dhacayo dalka sida Muqdisholand, Soomaliland, Buntland, Koonfur Galbeedland, Jubbaland iyo waliba Gobolada Dhexeland. Kuwaasi oo ay samaynayso Dowladda Itoobiya, Iyadoo isticmaalaysa shaatiga IGAD iyo AMISOM.

Marka aad u fiirsato waxyaabaha dhacayo, ee ay samaynayaan labadan dowladood (Kenya iyo Itoobiya), Waxaa runtii kuu soo baxaysa in uu dhaboobay maqaalkii uu hadda ka hor qoray ninkii Kenyaatiga ahaa ee sheegay in Soomaaliya loo kala qeybin doono dalalka Itoobiya iyo Kenya. Yaa diidi kara saadaashii uu bixiyey ninkaasi khabiithka ah ? Sowse maanta ma cadaanin wixii uu ninkaasi sheegay ? Jawaabu waa haa, balse waxaa laga yaabaa in ay maya yiraahdaan Ilmo Gabre iyo kuwa ka hoos shaqeeya ee taageera maamul-beeleedyada ama kuwa ku fadhi-dirira qolalka loo yaqaano Paltalk ee ay ka midka yihiin qolka 88 oo kale.

Amihan (dhulboobka), ayaa dhacayo xilli ay dalka jirto dowlad dhexe oo federaali ah, balse ay hogaanka u hayaan kuwa hurdo oo aamus badan. Tusaale ahaan, Maxaa lagu tilmaami kara ninka sheegta Madaxweynaha ee maalin walba aamuska ku jawaabo xitta haddii la dhaawacayo midimadii iyo madaxbanaanidii dalka ? Maxaase lagu tilmaami karaa kuwa sheeganayo in ay wasiirro yihiin sida kan Gaashaandhigga, Arimaha Dibadda iyo waliba Arimaha Gudaha, Maxayse wasiiro u yihiin haddii aysan ka hadli Karin musiibadan socota ?

Tan kale, aaway raggii aan ka saaxan weyney ee lahaa Kenya caawinteenay u timid ? Ma sidanbay ahayd caawintii ay noo sheegi jireen ? Aaway kooxdii aan u bixiyey Daarood- Haleeyayaal ee dhibaatadan sababta u ah ? Boobkan, ayaa imaanayo xilli uu aamus ku dhacay Shacabkii Soomaaliyeed ee geeesiga ahaa. Tusaale ahaan, ma aragteen shacab ka mudaaharadayo hagardaamada lagu hayo baddooda ? Mase aragteen Shacab wadooyinka taagan oo mayya ku oronayo Gabre iyo Afay ? Mase masheen Shacab dhahayo midnimo iyo madaxbanaani waa muqadas ?

Markan hadalka soo uruuriyo, habdhaqanka ka muuqda madaxda hogaamisa dowladda Kenya, Waxaan shaki iiga jirin in ay sabab u noqon doonaan dagaal-xuduud dhexmara labada dal waa hadaysan joojinin ficiladooda guracan ee ka dhanka ah dalkeena Soomaaliya. Waxaan sidoo kale shaki iiga jirin haddii uu sii socdo muranka badda in uu arinkaasi xumeyn doono xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo labadooda shacab waa sida ay ila tahay.

Gabagabdii iyo gunaanudii, Waxaan soo jeedinayaa talooyinka soo socda oo aan isleeyahay waxa xal u yihiin xadgudubka Kenya iyo boobka ay la damacsan tahay dhulkeena. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda:-

1-In Baarlamaanka Qaranka lagu taageero talaabadii ay shalay qaadeen ee ka dhanka ahayd daandaansiga Kenya iyo damaceeda waalan.

2-In Baarlamaanka uu mooshin deg deg ah ka keeno ciidamada Kenya ee jooga dalka. Islamarkaana aanu dalka ku halaynin kuwa sheegta laanta Fulinta

3-In la qabto mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca waalan ee Kenya.

4-In la garab-istaaggo maamulka degmada B/xaawo iyo dadweynihiisa si loo difaaco dalka iyo xuduudyadiisa.

5- In ay midoobaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Islamarkaana ay meel iska dhigaan wixii khilaafaad ah oo jira si dalka loo difaaco

W/Q: Cabdulaahi Gumeysi-diid
Abdull2006@hotmail.com