Dowladda Kenya oo heegan gelisay ciidamadeeda kadib weerarkii CEEL BARAF

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, kadib weerarkii xooganaa ee todobaadkii hore Al-Shabaab ay ku qaaday ciidanka Burundi ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro ay qorsheyn karaan inay xoogaga Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi

“Waxaan fahamsanahay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameedyada Kenya kadib roobabkii ka da’ay qaybaha waqooyi ee dalkaasi kenya,” ayuu yiri sarkaal la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku diray inay heleen macluumaad ku aadan xoogosheegaya in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weeraro ka dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaalkan oo qariyey magaciisa ayaa sidoo kale xusay inay adeegsan doonaan sirdoon heer sare ah, isla-markaana ay bilaabi doonaan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo cusub.

“Waxaan isticmaalnaa sirdoon si aan ula socono dhaqdhaqaaqyada gudaha iyo Soomaaliya Waan ognahay sida ay wax u socdaan, waxaana nalagu wargeliyay inay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ku wajahan xuduudka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey sarkaalka Kenyaanka ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro culus ka fulisay gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo ay ka taagan tahay cabsi la xiriirta weerarada kordhaya.

Si kastaba, feejignaanta la geliyey ciidamada Kenya ayaa ayaa daba socota, kadib markii khasaaraha badan dhaliyey ee lagu qaaday ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS oo askar badan looga dilay weerarkaasi oo ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah.