Kenya oo Jawaab adag ka bixisay go’aankii BFS

Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor soo saaray qaraar looga jawaabay xad gudubka dowlada Kenya ka waddo gudaha dalka Soomaaliya, qaraarkaasi ayaa qodob kamid ah wuxuu ahaa in ciidamada dowlada Kenya laga saaro gudaha dalka Soomaaliya.

Arintaasi waxaa si cad markii ugu horeysay kaga yimid Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah baarlamaanka dalka Kenya, isaga oo sheegay in ciidamada Kenya u joogaan dalka Soomaaliya danaha dalkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ku hanjabay in ciidamada Kenya laga saareyn dalka Soomaaliya ilaa Alshabaab ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya ayna weeraro ka geysanayaan dalka Kenya, isagoo sheegay in ciidamada Kenya ay arimahaasi difaac u yihiin.

“Ciidamada Kenya  danaheena ayay u joogaan Soomaaliya, waxay naga difaacaan Alshabaab oo dhanka xuduudaha ah, mana kasoo baxayaan inta Alshabaab ka jirto Soomaaliya”ayuu xildhibaanka oo ka hadlay xaflad ka dhacday dalka Kenya.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa go’aankii ka koobnaa shanta qodob waxaa lagu balansanaa iney sharci kasoo dhigaan oo ay ku adkeeyaan dhaqan gelinta qodobada ay soo saareen dhamaan hayadaha ay quseyso.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com