Kenya oo kordhinaysa ciidanka ka jooga xadka Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa inay kordhiso ciidamada ammaanka ee ka howlgala deegaannada ku teedsan xadka ay la wadaagto Soomaaliya kadib markii ay soo bateen weerarro ay mas’uuliyaddooda sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya oo soo xiganeysa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ciidamada dheeraadka ah ayaa isugu jiri doona boolis iyo cutubyo kale oo amni, kuwaas oo loo daabulayo deegaannada loo arko inay khatar amni ka jirto si loo adkeeyo sugidda nabadgelyada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay fulin doonaan howlgallo baaritaan iyo roondooyin isdaba joog ah oo laga sameynayo deegaannada lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dowladda Kenya ay aaminsan tahay inay halkaas ka abaabulaan weerarrada ka dhanka ah ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Sidoo kale, ilo dowladda Kenya ah ayaa sheegay in Madaxweyne William Ruto loo gudbiyay qorsheyaal cusub oo lagu xoojinayo amniga dalka, iyadoo xoogga la saarayo ka hortagga weerarrada Al-Shabaab iyo sare u qaadidda awoodda ciidamada ka howlgalaya gobollada xuduudda.

Qorshayaashan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Kenya ay wajahaysay weerarro amni oo soo noqnoqday, kuwaas oo inta badan ka dhacay gobollada waqooyi-bari ee dalka, gaar ahaan meelaha ku dhow xadka Soomaaliya.

Maalmo ka hor, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo ka dhacay ismaamulka Mandheera. Dowladda Kenya ayaan weli shaacin in la qabtay cid lala xiriirinayo weerarkaas, inkastoo howlgal ballaaran oo amni la sameeyay kadib dhacdada.

Kenya ayaa muddo dheer waday howlgallo amni oo ka dhan ah Al-Shabaab gudaha dalkeeda iyo Soomaaliya, iyadoo dowladda Nairobi ay marar badan ku celcelisay inay sii xoojin doonto tallaabooyinka lagu sugayo amniga xuduudaha iyo ka hortagga weerarrada ay kooxda ka fuliso gudaha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News