Kenya oo ku hanjabtay laba tallaabo oo ka dhan ah Soomaalida dalkaas ku nool

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney qaadi doonto tallaabo ay ku cadaadineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda dalkaas ee Nairobi, sida ay sheegeen warbaahinta madaxa banaan ee dalkaas.

Kenya ayaa sheegtay iney tarxiili doonto Soomdaalida ku dhaqan dalkaas ee aan sharciga heysan, sidoo kalana ay si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakiyo falal argagixiso ama maal-galintooda.

Xogta warbaahinta Kenya ay shaacisay ayaa waxaa sidoo kale ku jirta in Kenya ay qorsheyneyso iney hantidooda la wareegto shaqsiyaadka Soomaalida ee looga shakiyo iney maal-galiyaan argagixisada.

Kenya ayaa hadda u muuqata iney qaadeyso tallaabooyin aargoosi ah, maadaama ay guuldaro kasoo gaartay inay dib u dhigto dhageysiga kiiskii yaalay maxkamadda ICJ ee badda ay muranka galisay.

Laba maalin ka hor un ayey aheyd markii Kenya ay ku dhawaaqday iney xiri doonto xeryaha ay Soomaalida ugu badan qaxootiga ku yahiin kuna yaalla gudaha dalkooda, waxeyna qabsatay in laba toddobaad lagu xiro xerooyinkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay inuu ku wargeliyey Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCRF inay muddo 14 maalmood gudahood ah ku keento qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee ku yaal Kenya.

Farriintan Matiang’i ayaa lagu qoray barta twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya. UNHCR ayaan weli ka jawaabin hadalka Kenya.