Khasaaraha weerarkii ciidamada Kenya lagu qaaday oo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa weerar ay Maleeshiyaadka Al-shabaab ku kharijiyay ciidamo ka tirsan Kenya kadib markii ay weerar ku qaaden gaadiid ay ciidamada la socdeen.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay ilaa Todobo Askari oo Kenyaan ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dimu oo hoostagga Magaalada Mandheera.

Weerarka ayaa waxaa ka hadlay Cali Robow oo ah Guddoomiyaha Degmada Mandhera, waxa uuna sheegay in weerarka uu geystay khasaaro.

Cali Robow wuxuu cambaareeyay weerarkaasi oo uu sheegay inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Cali Robow, waxa uu intaa raaciyay in Weerarkaani uu dhacay xili ay ciidamada is dhigteen, islamarkaana uu ka dhashay khasaaro xoogan.

Waxa uu ka gaabsaday inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee Kenya laga dilay, balse waxa ay maleeshiyada sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen inkabadan 15 Askari, waxa ayna intaa raaciyeen inay gubeen ilaa 3 gaari oo nooca gaashaaman ah.

Dhanka kale, weerarka lagu dilay Askartaani ayaa ku soo aadeysa iyadoo Dowladda Kenya xirtay xuduuda u dhaxeysa Magaalooyinka Mandheera iyo Baled Xaawo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com