Kenya oo meydadka Al-Shabaab dhaqaale uga raadineysa dunida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa lagu eedeeyay inaysan u babac dhigi karin maleeshiyaadka Al-shabaab ee qalqal galiyay amaanka dalka Kenya, tan iyo markii ciidamada Kenya galeen Somalia.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in xiliyada dagaalka ay xooga saaran uruurinta meydadka Al-shabaab ee dagaalada ku dhinta kuwaasi oo loo gacan galsho Wasaarada amniga Dowlada Kenya.

Wasaarada amniga ayaa Meydadka laga soo uruuriyo goobaha dagaalka caalamka uga raadiso dhaqaale iyada oo sheegta in waxa ay dishay ay yihiin Saraakiil Al-shabaab ah.

Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Amolo Odinga oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya, ayaa sheegay in awooda Dowlada Uhurro Kenyatta ay noqotay mid ku kooban difaac waxa uuna dhaliilay itaal darida ciidamada iminka heysata.

Odinga waxa uu sheegay in xiliyada dagaalka ay ciidamada Kenya awood ka raadiyaan uruurinta Meydadka Al-shabaab, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Uhurro Kenyatta uu qeyb ka yahay shaqsiyaadka ka shaqeeya amni darida Kenya.

Odinga waxa uu intaa raaciyay in Kenyatta uu dhaqaale ku raadiyo amni darida, isaga oo cadeeyay in Isbitaalada ay buux dhaafiyeen Meydadka Al-shabaab ee laga soo uruuriyo furumaha dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada Kenya ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa ugu itaalka xun marka la eego Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com