Kenya oo nolol iyo geeri ku baadi-goobeysa 3 askari oo uga maqan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday howlgalo lagu baadi-goobayo Askar ka tirsan ciidamada Kenya kuwaa oo aan lagu heyn nolol iyo geeri.

Askartan ayey dowlada Kenya sheegtay in lagu waayay weeraro iyo dagaalo toosa oo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhex dagaalanta Somalia iyo Kenya.

Howlgalka lagu raadinaayo Askarta oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Difaaca Dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo meel loo raaco Askartaas.

Qoraalka ay Wasaarada ku amreyso raadinta Askarta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Askartaas oo gaaraya Saddex la waayay 24kii July 2011kii, xilligaas oo ay wadeen sahay.

Askartaasi ayaa xiliga ugu war danbeysay dowlada Kenya sahay u siday ciidanka Kenya ee jooga sohdinta Somalia, waxaana la cadeeyay inay ka lumen Jihada isla markaana 60km gudaha u galeen Somalia.

Wasaarada Difaaca Kenya ayaa Saddexda Askari magacyadooda ku kala sheegtay:-

1- Said Abdulaziz Haji, oo ahaa Darawalka gaariga.

2-Jonathan Kipkosgei Kangogo.

3-Evans Mutoro oo isna ahaa Saad wadayaasha.

Kenya ayaa rumeysan in Seddexdaasi Askari ay  gacanta u galeen ciidankii dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Darawalka oo Soomaali ahaa ayaa go’aansaday in uu la joogo Ciidanka Soomaaliya,waxaana labada Askari kale ee Kenyaanka ah ay go’aansadeen in ay baxsadaan sidaas ayeyna ku dhuunteen.

Wasiirkii hore ee Amniga gudaha Kenya Joseph Nkaiserry,ayaa sheegay in Siciid C/Casiis ay Dowladda Soomaaliya isaga iyo Gaarigiisiiba ku wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, labadii Askari ee kalena ay sidaas ku maqanyihiin.

2013kii Al-shabab ayaa sheegtay in ay dishay Kangogo,kaddib markii Dowladda Kenya ay dib uga dhacday muddo ay u qabatay in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya.

Waxaana ilaa hadda aan nolol iyo geeri lagu heyn Askarigii kale ee la baxsaday mr Kangogo,waxaana dowladda Kenya ay raadineysaa halka uu ku dambeeyo.

Dhinaca kale, Kenya ma rumeysno in Al-Shabaab ay si sahlan ku dili karto Askarteeda, waxaana jiray dhaqaale qoondo ah oo Kenya ay siin jirtay Al-Shabaab taa oo markii la jaray ay maleeshiyadu bilaabeen inay weeraro ku qaadan Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com