Kenya oo qunsul cusub usoo magacowday Somaliland, bedeshay safiirkii Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dowladda Somalia iyo Somaliland usoo kala magacaabay Safiir buuxa oo fadhigiisa noqon doona magaalada Muqdisho, iyo Qunsul xaruntiisa noqon doonta magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doona Somalia Maj Gn (Rtd) Thomas Chepkuto ayaa wuxuu badeli doonaa Lucas Tumbo oo sanadkii 2015-kii Kenya xilkaan usoo magacowday.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qunsulka cusub ee Kenya u fadhin doona magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee  Kenya ayaa kal hore Hargeysa u dirtay saraakiil uu hoggaaminayay Benson Mwaliko, isagoona ku magacawnaa madaxa xafiiska ilaaliya cilaaqaadka labada dhinac.

Raychelle Omamo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya  ayaa dhawaan sheegtay in Kenya ay ula macaamuli doonto Somaliland sida qeyb ka tirsan Federaalka Somalia.

Tan iyo markii xilka madaxweynenimo ee Somalia uu la wareegay Farmaajo, Kenya waxay bilowday dagaalka diblumaasiyadeed iyo inay farageliso arrimaha Somalia, iyadoo xiriirkii labada dal uu marna xaalad kala duwan uu soo marayay.