Saldhigyadii kooxda Al-Shabab oo la burburiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Hay’adaha amaanka Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Militeriga Kenya ay burburiyeen Saldhigyo ay lahaayen Maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku yiilay Keymaha Kenya.

Saraakiisha amaanka dalkaasi ayaa cadeeyay in Saldhigyada la burburiyay ay ahaayen kuwo ku yiilay Kaymaha Boni ee dalka Kenya, kadib howlgal ciidamadooda ay ka fuliyeen Kaymahaasi.

Howlgalada lagu burburiyay Saldhigyadaasi ayaa waxaa ka qeybqaatay Diyaaradaha dagaalka Kenya waxaana la soo warinayaa in inta uu socday Howlgalka la dilay Saraakiil iyo Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha waxa ay sheegen in Saldhigyada la burburiyay ay gaarayaan ilaa 6 Saldhig oo Al-shabaabku ay ku qaadan jireen Casharo la xiriira la dagaalanka Ciidamada Kenya.

Sidoo kale, Charles Owino oo ah Afhayeenka Booliska Kenya, ayaa dhankiisa ka sheegay in howlgalka lagu burburiyay hub iyo walxo qarxa oo ay kooxdu isticmaalaysay.

Charles Owino ayaa gaashaanka ku dhuftay in Kenya ay sanka la raaci doonto meel waliba oo ay ku sugan yihiin Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab, waxa uuna tilmaamay in Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab uu sii xoogeysan doono.

Dhanka kale, Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay dagaalyahano gaaraya 300 inay ka joogaan Kaymaha Boni ee Gobolka Xeebta dalka Kenya, halkaasi oo ay ka qorsheeyaan weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com