Kenya oo soo bandhigtay Meydadka Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab (Sawir)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaa laga helay Meydadka dagaalyahaano ka tirsan al-Shabaab.

Meydadka ayaa waxaa la wareegay Booliska Kenya waxaana lasoo sheegayaa in tiro ahaan ay gaarayaan ilaa Seddex Meyd oo la dul dhigay calanka madow oo ay caanka ku yihiin Shabaabka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Seddexda Meyd ay ka reebeen maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay booliska ku leeyihiin Gobolka Wajir ee waqooyi bari dalkaasi.

Stephen Ngetich oo ah Taliyaha booliska gobolka Wajir ayaa sheegay in Seddexdaas dagaalyahaano ay ku dhinteen dagaal socday laba saacadood oo u dhaxeeyay ciidamada iyo maleeshiyaadka oo ka dhacay saldhiga booliska ee Kutulo.

Taliyaha ayaa xusay in dagaalamayaal kale oo Al-shabab ah ay u baxsadeen dhinaca Keymaha, isla markaana ay ku jireen dhowr dagaalamayaal oo dhaawac ah.

Sidoo kale, Taliye Stephen Ngetich ayaa tilmaamay inay isku baahiyeen dhinaca iyo xuduuda Kenya iyo Somalia si loo dabagalo kooxdii kale ee ka baxsatay weerarkaasi.

Dhinaca kale, Booliska ayaa sheegay in ay bilihii lasoo dhaafay ay la daala dhacayeen weeraro Al-shabab uga imaanaya dhinaca xadka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

- Sponsored Ads -