Kenya oo u jawaabtay Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda kenya ayaa sheegtay in wax hadal ah lagaleynin ururka Al-Shabaab, kuwaasoo gacantooda ay ku jiraa afar qof oo Kenyan ah.

Afhayeen u haday ciidamada Millatariga Kenya oo lagu magacaabo Bogota Ongeri ayaa sheegay in gacanta Al-Shabaab ay ku jiraan afar qof oo Kenyan ah kuwaasoo sannad ka hor laga afduubtay soohdinta Soomaaliya ay la wadaagaan.

Wuxuu yiri “Sida aad la socotaan waxa jira labo shaqaale rayid ah oo midkood yahay sarkaal degmo midna uu yahay Karaani iyo labo askari oo anbaday, guud ahaan marka la isku daro afartaas ayaa ku jira gacanta Al-Shabaab”.

Wuxuu intaas ku daray in wax wadahadal ah aysan lagaleynin Al-Shabaab oo hadda ay dagaalo ku jiraan.

Si kastaba, hadalka afhayeenkan u hadlay ciidamada Kenya ayaa ku soo beegamaya iyadoo maanta oo Khamiis ah Al-Shabaab ay sheegtay in afartan qof dili doonto haddii dowladda Kenya siideen dadka muslimiinta ee loo heesto falalka argagixisada.

Boggeta Ongeri ayaa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin dambiilayaal aysana la xaajoon doonin.

Al-Shabaab ayaa u qabtay Kenya ilaa 14-ka bisha February haddii aysan ku sii deen muslimiinta ku xarin xabsiyada in ay dili doonaan afarta qof oo ay soo bandhigeen sawiradooda.

Kenya ayaa hadda ciidan xooggan ay ka joogaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi