Dowladda KENYA oo war kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ee Mandheera

Nairobi (Caasimada Online) – Booliiska Kenya ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen gaari Bas ah oo ka ambabaxay magaalada Mandera, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Nairobi ee caasimada wadankaasi.

Weerarka oo ahaa mid dhabagal ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada galbinayey gaarigaas iyo raggii weerarka qaaday.

Qoraalka ka soo baxay Booliiska ayaa waxaa lagu sheegay in gaariga ay la socdeen illaa 25 qof, islamarkaana ay dhamaantood nabad qabaan.

Sidoo kale Booliiska ayaa sheegay inay ku raadjoogaan ragga ka dambeeyey oo ay tilmaameen inay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya.

“Dhamaan Ciidamada waa ay nabad qabaan iyo dadkii saarnaa Gaariga baska ah, kuwii na soo weeraray waxaa ay u soo gudbeen dhanka xaduudka Soomaaliya waana ku raad joognaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Kenya.

Sidoo kale ciidamada Booliiska ayaa intaas ku sii daray “Baska wuxuu ku wajahnaa Takaba. Isaga oo 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan boosteejada wuxuu arkay laba gaari oo 500 mitiri u jirta wuxuuna hoos u dhigay xawaaraha baabuurka. Kalkii dambe waxaa rasaas lagu soo furay dhanka darawalka gaariga,”.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.