Kenyaatigii ka tirsanaa Al-Shabaab oo Xabsi la wada dhigay & tirada soo hartay oo kala firxatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Xabsi dhigtay Saraakiil iyo Dagaalyahaano ka tirsan Kooxda kadib markii looga shakiyay inay Mukhabaraad u yihiin Kooxda Daacish iyo Dowlada Kenya.

Qoraal uu daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, ayaa waxaa lagu sheegay in Maleeshiyadu ay xirtay in kabadan 100 isugu jira Saraakiil iyo Dagaalyahaano caadi ah.

Wargeyska ayaa sheegay in Saraakiisha iyo Dagaalyahaanada la xiray ay dhamaantooda kasoo jeedan Dalka Kenya, islamarkaana looga shakiyay inay Jawaasiis u yihiin Daacish iyo Kenya.

Waxa uu intaa kusii daray Wargeyska in Saraakiisha iyo Dagaalyahaanadaasi lagu xiray Xabsi ku yaalla Degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee Somalia.

Waxa uu xarigooda ku soo aaday, iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya dhawaan duqeeyeen Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen Degaanka Yoontooy, laguna dilay 15-dagaalyahan, lana burburiyey hub iyo 2 doonyood nooca matoorka leh.

Dhinaca kale, Qaar ka mid ah Dagaalyahano u dhashay Kenya ayaa bilaabay inay ka firxadaan Isqabsiga u dhexeeya Dagaalamayaasha Alshabaab ee ka dhashay Qorshaha ah inay Alshabaab ku biiraan Kooxda Daacish ama ay ku sii mid ahaayeen Ururka Alqaacida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com