Khadiija “Sidee dad haysta madaxweyne Farmaajo oo kale ay beesha caalamka u weydiisan karaan taageero”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gargaarka, maareynta iyo masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta hadal ka jeedisay xaflad loogu soo dhaweynayey wasaaradan oo ay ku cusubtahay ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay isku filaansho gaaraan.

Waxa ay sheegtay in Soomaalida ay ceeb ku tahay inay gargaar caalami ah dalbadaan, iyagoo heysta madaxweyne Farmaajo.

“Dadkeenu waxay dhahaan beesha caalamku hana soo gaarto, sidee  dad dowlad leh beel caalam wax u weydiistaan? Sidee dad madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kale heysta ay beel caalam wax u weydiisan karaan? Sidee umad islaam ah oo Alle abuurtay ay bini’aadan kale wax u weydiisan karaan?,” ayey tiri wasiir Khadiija Diiriye.

Waxay dadka ka dalbatay inay Ilaah tala saartaan, “Guud ahaan dowladda iyo xukuumadda Madaxweyne Farmaajo maanta meel ayey soo gaartay,” ayey tiri.

Khadiija Maxamed Diirye ayaa lagu tiriyaa wasiirrada sida weyn ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxayna tan iyo markii uu Farmaajo tala qabtay aheyd wasiir ka tirsan dowladda uu hoggaamiyo.

Hoos ka Daawo