Khasaare xooggan oo ka dhashay miino dad rayid ah kula kacday S/Hoose

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino uu qabsaday mooto ay la socdeen dad shacab ah.

Mootada oo aheyd nooca Fekonta ayaa miinadu ay haleeshay, xilli ay mareysay deegaanka Muuri ee gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi miino ku dhintay ilaa saddex qof oo saarnaa mootadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in bartimaameedka qaraxa uu ahaa gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo Milatari ah oo la sheegay inuu waxyar ka gudbay waddadaasi.

Gaariga ciidanka iyo Mootada qaraxu qabsaday ayaa mas’uuliyiinta gobolka waxa ay sheegeen inay ku soo jeedeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com