R/W Kheyre oo ka dalbaday beesha caalamka inay hal arrin wax ka beddasho

Paris (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Paris ayaa ka hadlay arrimo ku aadan taageerada ay beesha caalamka siiso dowladda federaalka ah ee Soomaalya.

Ugu horreyn Khayre ayaa ayaa sheegay in ay habboon tahay in saaxiibbada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib u kabashada Dalka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dalalka beesha caalamka inay hal arrin wax ka bedalaan, taas oo ah qaabka ay hadda ku caawiyaan shacabka iyo dolwadda Soomaaliyeed.

“Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Waxa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu cadeeyey in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseedda in ay soo ceshato kaalintii ay dunida horay ugu laheyd.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dalka Faransiiska u tegay ka qeyb galka shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo shalay furmay, kaas oo diirada lagu saarayaa xal u helidda dhibaatooyinka kala duwan ka jira daafaha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Paris
caasimada@live.com