Kheyre :Dowladda waxay aruurisay canshuurtii ugu badneyd 30 sano kaddib”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Xalane waxaa Maanta ka furmay shir looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya,waxaana furay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirkaas,waxaa ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, ganacsato iyo wakiilo caalami ah,waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Ummadda Soomaaliyeed,waxana uu bogaadiyay Dowladda Turkiga oo ka mid ah wadamada maalgashiga ka sameeyay Soomaaliya.

R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre oo shirka ka hadlayey ayaa sheegay  in Ganacsadatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaateyn kobaca dhaqaalaha dalka.

Waxa uu sheegay R/wasaare Kheyre in Ganacsatada Soomaaliyeed ay xukuumadiisa kasoo aruuriyeen canshuurtii ugu badneyd muddo 30 sano ah Waxa uuna ku bogaadiyay garab istaaga xukuumadiisa.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in sanadkii ina dhaafay ee 2017 ay ganacsatada Soomaaliyeed ay canshuur ahaan dowladda Federaalka u siiyeen lacag farabadn oo ay ku kabeyn miisaaniyada Dowladda sidaas si lamid ahna ay sanadka 2018 ay ka rajeynayaan dhaqaalo intaas ka badan sida uu sheegay.

Hadalka R/wasaare Kheyre ayaa imaanyo iyadoo Soomaaliyo dhaqaallo ahaan kasoo reyneyso sanadihii lasoo dhaafay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com