R/W Kheyre iyo saraakiil ciidan oo Dhuusamareeb ku kulansan iyo khasaare ka dhashay is-rasaaseyntii

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa caawa shir deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha ciidamada ciidamada ka howlgala magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka oo hadda ka socda xurunta guriga gobolka ee magaalada Dhuusamareeb ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre saraakiisha wax uga weydiinayaa cida bixisay amarka iyo waxa sababay is-rasaaseyn caawa afaafka hore ee INJI ku dhex martay ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka iyo hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna.

Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in seddax ruux ay dhanka Ahlu-Sunna uga dhaawacmeen israsaaseyntii caawa fiidkii ka dhacday bartamaha magaalada Dhuusamareeb.

Seddaxda ruux ee dhaawacyadu soo gaareen ayaa la sheegay inay kala yihiin labo askari oo ka tirsan ilaalada hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna ee ku sugan xarunta Inji iyo haweeney shacab ah oo goobta mareysay.

Isku dhaca ciidamadaas ayaa ka bilaawday kadib markii sida la sheegay gaari marayey wadada hor marta xarunta Inji oo ay wateen ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen kuwa Ahlu-Sunna ee ilaalada ka hayey halkaas, waxaana goobta ka dhacday is rasaaseyn mudo socotay.

Shaqaaqadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu makhribnimadii hore ee caawa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu u tagay sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan xaafiiskiisa sii amba qaadidda dhismaha maamulka Galmudug.