R/W Kheyre oo laba arrin ku micneeyay shirarka heerka caalami ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay halka ay Somalia heegsaneyso ka hor inta aan la gaarin xiliga doorashada.

Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay is dhinac taageyso wadamad kale ee saaxiibada la’ah marka loo eego dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Horumarka iyo bilicda.

Wuxuu tilmaamay in rajada Somalia ay tahay mid muddo laba sano ah ay ku gaari doonto halka uu hankeedu yahay waxa uuna carab dhabay in taasi ay tusaale u tahay shirarka heerka caalami oo Somalia ay marti galineyso.

Ujeedka muuqda ee shirarka heerka caalami oo Somalia ay marti galineyso ayuu ku qeexay laba arrin oo kala ah:

1-In Somalia ay adduunka ka iibiso hankeeda ku aadan inay diyaar u tahay in wadamada dhigeeda ah ay la qeybsato wax walba.

2-In wadamada saaxiibada ah ay tusto in Somlia ay amni tahay, isla markaana ay kasii baxeyso burburka iyo xasil darada ayna u qalanto marti galinta shirarka heerka caalami.

Ra’isul wasaare, Kheyre waxa uu cadeeyay in Somalia ay maslaxad weyn u aragto inay marti galiso shirarka ay qabtaan wadamada dhigeeda ah, wuxuuna carab dhabay in Somalia markii hore laga aaminsanaa faker xun.

Sidoo kale, Umadda Soomaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin keliya kuwa magaca dalkooda kor u qaadi kara, taa oo lagu gaari karo isgarabsi iyo wada shaqeyn lala sameeyo dowlada.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Farmaajo tan iyo markii la doortay ay marti  galisay shirar waaweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com