Kheyre oo qiil yaab leh u sameeyey sababta aan ciidanka loo siin mushahar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa qiil yaab leh u sameeyey sababta aysan ciidamada dowladda u qaadan mushahar muddo afar bilood ah.

Kheyre oo ka qeyb galay Barnaamijka Dardargelinta isdhexgalka Bulshada iyo Hay’adaha Amniga ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ee la diiwaan galiyay ay si joogto ah u helaan xuquuqdooda, balse ciidamada aan diiwaan gashneyn ay yihiin kuwa uu ka maqan yahay mushaharka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kuwa aanan wali marin tirakoobka Ciidanka lasiin doono xuquuqdooda marka diiwaan galintu soo dhamaanto.

“Maalmahan waxaa la lahaa Ciidamo ayaan mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa la siin ma jiro, inta ay ka maqan tahayna waa in aan la diiwaan galin, fadlan geeya goobaha loogu tala galay, ku diiwaan galiya, Taliyeyaasha Ciidamada waxaan ka rabaa askari walba oo diiwaan gashan oo dadka u adeegaya Mushaarkiisa, raashinkiisa iyo daryeelkiisa inay aniga igu yimaadaan”.ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada ay ka go’an tahay in askari kasta uu xuquuqdiisa ku helo, isla markaana lala xisaabtami doono hadii ay jiraan kuwa aan Dalka iyo Dadka u shaqeyn Mushaarna qaata.

“Waxaa la rabaa kuligeen inaan aqbalno in Shilingii la inagu aaminay uu iyaga gaaro, waa inaan ku heshiinaa in ciidamada la diiwaan galiyo, xirooyinkooda ay joogaan, raashinkooda waa anagga bilownay in qeyb ka mid ah akoonkooda loogu soo shubo qofkii la diiwaan galiyay, waxaa rabaa Askari kasta oo la diiwaan galiyay oo shacabkiisa u adeegaya iyo kan aan shaqeyn inaan kala saarno” ayuu yiri.

Si kastaba, ra’iisul wasaaraha ma sharxin sababta haddii ciidankan yihiin kuwa aan diiwana gashneyn ay ku qaadan jireen mushaharka iyo waxa hadda ka qeylisiiyey oo intii hore ay la aamusnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com