Khilaaf soo kala dhex-galay baarlamanka HirShabelle iyo mooshin la gudbiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub oo u dhexeeya guddoonka sare ee baarlamaanka HirShabelle oo salka ku haya dhinaca maamulka ayaa haatan soo shaac-baxay, kaas oo u dhexeeya guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Brare Maxamed iyo guddoomiye ku xigeennka labaad, Marwo Canab Axmed Ciise.

Khilaafka oo ah mid aad u culus ayaa soo if-baxay, xilli haatan uu guddoomiye Barre ku sugan yahay gudaha magaalada Muqdisho, halka Canab ay joogto magaalada Jowhar, wuxuuna yimid, ka gadaal ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise ay ku war-gelisay xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas inay dib ugu soo laabtaan magaalada Jowhar, si ay u bilowdaan shaqooyinkooda caadiga ah.

Canab Axmed Ciise ayaa sidoo kale ku amrtay xildhibaanada inay ku soo laabtaan Johar, ka hor maalinta Arbacada oo taariikhdu tahay 19/08/2020, basle waxaa taasi ka horyimid guddoomiyaha oo haatan ku sugan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“WARGELIN. Dhammaan xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle waxaa lagu wargelinayaa inay yimaadaan Xarunta Baarlamaana DGHSH ugu dambeyn maalinta Arbacada oo taariikhdu tahay 19/08/2020 si loo dardargeliyo howsha dastuuriga ah ee horyaala Baarlamaanka Hirshabelle. Mahadsanidiin Xog/K/Golaha.” ayaa lagu yiri fariinta ay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabelle u dirtay xildhibaanada.

Intaasi kadib waxaa sidoo kale fariin taas ka soo horjeeda u direy xildhibaanada baarlamaanka guddoomiye Barre, iyadoo u qorneyd sidan;

“Amar ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dib loogu dhigey fariintii hore ee loo diray baarlamaanka waxaana loo soo diri doonaa fariin labaad oo ajandaysan.”

Dooda intaasi kuma ekaan, waxaan fariin kale oo ka timid Canab Axmed Ciise lagu sheegay in xildhibaanada ay waajib ku tahay inay yimaadaan, ka hore 19-ka bishan Augusto, iyadoo sidoo kale ku shaacisay fariinteeda inuu Mooshin ka yaallo guddoomiyaha, islamarkaana uusan xaq u laheyn inuu xildhibaanada fariin u diro, sida ay hadalka u dhigtay.

“AMAR Dhammaan xildhibaanada waxaa lagu amrayaa inay yimaadaan BDGHSH kahor maalinta Arbacada. FG Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka yaala mooshin xaqna uma laha in uu fariin diro. Xildhibaan si aad u gudato waajibkaaga dastuuriga waa inaad imaataa xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedk Hirshabelle BDGHSH.” ayey markale tiri Canab

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan uu gaba-gabo yahay muddo xileedka baarlamaanka maamulka HirShabelle, waxaana u harsan kaliya muddo ka yar 2 bilood.