Ciidamada dalka Kenya oo madaafiic ku garaacay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa  waxa ay ku waramayaan in Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ay Madaafiic ku garaaceen Xaafado ku yaala Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay intaasi ku darayaan in Madaafiicda Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay rideen ay wax ku noqdeen Dad Shacab ah  oo ku dhaqan Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Haweeney Caruurteeda ay ku waxyeeloobeen Madaafiicda ay tureen Ciidamada Kenya iyo Nin Xoolo dhaqato ah oo sheegay in Xoolahiisa ay ku la’deen Madaacfidaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay dhibaatooyin u geysteen Madafiicdii ay rideen Ciidamada Kenya iyagoona Dowladda FS ka dalbaday in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka Ciidamada Axmed Madoobe iyo kuwa Kenya ay ka wadaan Gobolada Jubbooyinka.

Sikastaba Ciidamada Kenya markii ay Weeraro kala kulmaan Xarakada Al Shabaab ayaa waxa au duqeemo ka geystaan Goobaha ay ku tuhmayaan in ay ku sugan yihiin Al Shabaab iyadoon weeraradaasi ay dhibaato xoogan ay ka soo gaarto Shacabka ku dhaqan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Isha: Radio Shabelle