Koonfur Galbeed oo shaacisay waji cusub oo uu galay dagaalka Baydhaba + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo maanta shir ku yeeshay Baydhaba ayaa ka hadlay xaaladda amni ee deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dagaallada u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kuwa daacadda u ah Cabdicasiis Lafta-gareen.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in dagaalka uu galay waji cusub, isagoo ku eedeeyay ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen inay qorsheynayaan weerarro ay ka fuliyaan deegaanno kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed, kaddib markii uu sheegay inay ku fashilmeen isku dayo ay ka sameeyeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Nuur Siidow ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu sameeyay diyaar-garow xooggan oo looga hortagayo weerarro iyo falal amni-darro oo ka dhacay halkaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka iyo hay’adaha amniga ay heegan sare ku jiraan, si looga hortago isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.

“Sida caadada ah qolyaha Khawaarijta markii meel looga adkaado waxay isku dayaan inay carqaladeyn ku sameeyaan deegaanno kale, taasina waxaa jirta diyaar garow aad iyo aad u xooggan oo loogu diyaar garoobay sidii looga hortagi lahaa,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Dhanka kale, kulanka Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo uu guddoomiyay Madaxweyne Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu soo qaaday saamaynta fatahaadaha iyo xaaladaha ka dhasha El-Niño, iyo sidii Dowladda, hay’adaha samafalka iyo bulshada looga wada shaqayn lahaa diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhalan kara fatahaadaha iyo roobabka xooggan.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale isla eegay horumarinta iyo tayeynta adeegyada bulshada, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah, si shacabka Koonfur Galbeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan, tayo leh oo waara.

Ugu dambeyn Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargeliyo gudashada waajibaadka loo igmaday, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda, si loo xaqiijiyo amni, adeegyo bulsho oo tayo leh iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaanada Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News