Koox hubeysan oo maanta dil ka geysatay Somaliland – Sidee wax u dhaceen?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay dil ay koox hubeysan maanta ka geysatay waddada isku xirta Hargeysa iyo Berbera.

Dilkan waxaa geystay koox burcad ah oo waddada u gashay gaari xamuul ah oo marayay dalcadda Kodayare ee degmada Laasgeel, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska Somaliland, G/Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil.

“Waxaan halkan kaga hadli doonaa dhacdo fool-xun oo ah dil ka dhacay dalcadda Kodayare ee waddada isku xirta Berbera iyo Hargeysa, kaddib markii baabuur xamuul ah oo waddadaasi marayay ay eedeysanayaal burcad ah oo goobtaasi taagnaa rasaas ooda kaga qaadeen,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Somaliland.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdillaahi Aar oo 37 jir ahaa. Ciidamada Booliska oo tegay goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay inay aqoonsadeen kooxdii falkaasi geysatay, isla markaana ay ku daba jiraan, iyagoo shacabka ka codsaday inay ku gacan siiyaan soo qabashadooda.

“Falkaasi cid kale oo wax ku noqotay ama ku dhaawacantay midna ma jiro. Ciidanka Booliska wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Ibraahim.”

Sidoo kale, Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay ciidamada ammaanku ku daba jiraan, isla markaana marka gacanta lagu soo dhigo la horgeyn doono sharciga.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli waddada isku xirta Hargeysa iyo Berbera ay kamid tahay waddooyinka muhiimka ah ee Somaliland, waxaana ciidamada ammaanka laga sugayaa inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga waddadaas oo ay maraan badeecooyinka ganacsi ee ugu badan.

- Advertisement -

Read more

Local News