Kooxda Shabaab oo laga dilay 4 dagaalyahan iyo hub laga qabsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa guulo ka sheegatay howlgal ciidamadooda ay ka sameeyeen Keynta Booni oo Al Shabaabka ka dagaalamaya dalka Kenya ay ku dhuumaaleystaan.

Hay’addaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in weerar ciidamadooda ka fuliyeen halkaasi ay ku dileen afar kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab, islamarkaana ay ku qabsadeen lix qori oo AK-47 ah.

Saraakiisha waxay sheegeen in howlgalkaasi ay ka fuliyeen gobolada Gaarisa iyo Laamu, waxaana ciidamada ay sidoo kale ku raad joogaan shaqsiyaad ka baxsaday gacanta ciidamada, sida saraakiisha ay sheegeen.

Agaasimaha howlgalka Keynta Booni oo Weerarka ay ka fuliyeen ciidamada dowladda Kenya  Joseph Kanyiri, ayaa sidoo kale sheegay in ay rasaas badan ka furteen Al-shabaabkii la dagaalamay ciidamadooda.

Wuxuu sheegay in howlgalka uu billowday markii Ciidamada AL-shabaab ay isku dayeen in ay weeraraan anteeno Isgaarsiineed oo ay leedahay Sharikadda Safaricom kaddibna Ciidamada ay ku baxeen sidaasna dagaalka ku dhexmaray.

Dilka afarta qof ee ka tirsan AL-shabaab ayuu sheegay in ay ku soo aadday saddex bilood kaddib markii toban ka mid ah Al-shabaab lagu dilay degaanka Taksile ee ka tirsan Lamu.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com