Wararka naga soo gaaraya degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saqdii dhexe lagu dilay labo qof oo hal qoys ah.
Dilkan oo ay geysteen kooxo hubeysan ayaa loo geystay Xaawo Axmed oo da’ ahaan ka weyneyd 45 sano iyo wiilkeeda oo 7 jir ah laguna magacaabayay Axmed Muuse Maxamed.
Dad deris la ah qoyskan ayaa Idaacadda Risaala ee magaaladda Muqdisho usheegay in dadkan la dilay ay ahaayeen dad danyar ah isla markaana meydkooda ay ka muuqdeen rasaas badan.
“Hooyo iyo wiilkeeda ayay ahaayeen xaafadana si wanaagsan ayaa looga yaqaanay”sidaas waxaa yiri Farxaan Liibaan oo kamid ah deriska qoyskan oo saaka booqday guriga dilka uu ka dhacay.
Mar uu ka hadlayay sababta dilka loogu geystay qoyskaan ayuu sheegay ineysan waxba kala socon laakiin kooxda dilka geysatay ay ahaayeen rag ku hubeysnaa gaadiid dagaal ayna wateen dareeska ciidamada dowladda.
Ciidamo katirsan dowladda ayaa saaka gaaray halka dilka uu ka dhacay, laakiin ma jirto cid ay usoo qabteen dilkaas.
Dilalka ayaa magaaladda Muqdisho ka ah wax caadi ah iyadoo sidaan oo kale shacab kala duwan loo dilay isla markaana aysan jirin cid wax ka qabatay.

