Ha xumeynin mucaaradnimada

Mucaarad iyo Muxaafad waa laba koox oo ku tartamaya aniga ayaa kaa shaqo wanaagsan iyo aniga ayaa kaa shaqo wanaagsan lakin isla markaa waxey ku tartamayaan waa sidii guul loo wada gaari lahaa.

Kooxda muxaafadka ah waxay u baahantahay lagana doonayaa una suurta galinaya in ay xukunka sii haysato ayadoo la jecel yahay waa in ay la timaado howsha dalku u baahanyahay, waliba ayagoo u kala hormarinaya sida ay u kala muhiimsan yihiin, halkii afka aad nooga sheegi lahayd in aad fiican tahay waxaa wanaagsan in aad la timaado ficil loo aayo oo nakaa jeclaysiiya, mucaaradkaaga waxaa dhabar jab iyo xanuun ugu filan talaabo wanaagsan oo aad qaado waayo waa tan suurta galin karta in aad xukunka sii joogto ama kooxdaadu sii joogto rijada mucaaradkaagana yaraynaysa.

Mucaaradka iyo adigu waxaad tihiin laba muwaadin ma jirto sabab asaga aan ku necbaysano oo adiga aan kugu jeclaano kiliya waxa nakala kiin jeclaysiin karaahi waa talaabooyinkiina ee hada ayaad jaanis haysataaye ka faa iidaysoo la imow wax qalbigeena aan ka go’in oo aan kugu xusno.

Kooxda mucaaradka oo aan rabo in aan ku dheeraado waa koox daljirayaal ah oo u taagan hormarinta dalkooda iyo jiheyntiisa lakin takrifal dowladeed aan lahayn oo awooda dalku aysan gacantooda ku jirin, waxay tilmaamaan halka dalka u wanaagsan oo ay u jahaynayaan iyo sida dalka ay guul ku gaarsiinayaan. Dowladu haddii ay wado qaldan marto sida ay u arkaan, wey qeylyaan waxay yiraahdaan wadadaasi wadadii guusha ma aha, sidoo kale haddii ay talaabo wanaagsan qaado way bogaadiyaan, wixii qaranka halis ku ah sida: Dhaqaale, siyaasad, karaamo iyo xuduud waxay kala midaysan yihiin kooxda talada haysa oo markaan waa isku af muxaafadka iyo kooxda talada haysa waa in ay codkooda ku xoojiyaan mucaaradku dowlada talada haysa muujiyaana midnimada dalka ee aynan oran maxaa iga quseeya maanaa dalka xukuma.

Mucaaradnimadaadu waa in aysan noqon mid ay isticmaalaan cadowga dalkaagu oo ay uga faa iidaystaan fashilinta dowlada dalkaaga ayadoo laguu sheegaayo in aad talada dalka ku guulaysandoonto marka ay tani fashilanto. Haddii aad sidaan aqbasho waxaa imaanaysa in wax walba kuu xalaal noqdaan wax kastoo xunna adiga lagu so dhex marsiiyo. Tusaale waxaan usoo qaadanaynaa wanka Turkiga sanadihii 2014-2015kii ilaa horaantii 2016kii waxay tagtay xitaa goobaha arooska in la qarxiyo, hotel ha dhihin meel fagaaro ah ha dhihin meel la iskugu yimaado xitaa xafladihii arooska ayaa la qarxiyey, ayadoo dowlada turkigu yaaban tahay oo ay u maaro la dahay qaraxyada meel laga xigana fahmi la’ ayaa ugu danbayn 15 july 2016 waxaa dhacay afganbigii dhicisoobay. Afganbigii kadib dowladu waxay u aqoonsatay afganbigaas in uu ka danbeeyo nin la yiraahdo fatxullah oo degan wadanka maraykanka dabadeedna dowlada turkigu waxay qaadatay talaabo ay ku xakamaynayso dhamaan cidii ninkaas xiriir lalahayd ayadoon u kala aabe yeelin ciidan, macalin, shaqaale iyo ganacsade toona, Taana waxey dalka turkiga dhaxalsiisay in uunan qarax danbe ka dhicin taasi waxay  kuu muujinaysaa wadada rabshaduhu ku qulqulayeen in ay ahayd nimankaa xukundoonka ahaa. Sidaa daraadeed mucaaradow ka digtoonow in aad noqoto wadada la marsiiyo fidnada iyo halaaga umadaada.

Mucaarad waa hab hormarineed oo loo baahan yahay lakin waa in uu hor ujeed noqdaa. Tusaale shirkadaha ganacsiga tartanbaa dhex mara u dhigma midka xisbiyada siyaasada, shirkad walbaa waxay soo bandhigtaa adeegyo soo jiita dadka indhahooda iyo quluubtooda oo ay jeclaystaan si ay ayada wax uga iibsadaan. shirkada kale maxay samaysaa? Macaamiisheediibay la hadashaa qorsheheeda iyo adeegyo waxa shirkadani soo bandhigtay ka fiican oo hada ay ku howl jirto ayey sheegtaa. Waxayna qaadaa talaabo ka wanaagsan talaabadii shirkadii hore ay qaaday si macaamiisheedii ay usiiso qanaaco lakin ogow waxa labada shirkadood ku tartamayaan waa hormar ee ma aha wax hala burburiyo sidoo kale shirkadu iskuma daydo in ay macaamiisheeda ku qanciso in ay xun yihiin waxa shirkada kale soo saartay waayo macno umalahan ee waxay ku dadaashaa sidii ay ula imaan lahayd wax soo saar ka wanaagsan kan shirkada kale waayo dadku xoolo ma aha waxaan ayaa xun kaa aqbalimaayaan oo aadan u haynin wax ka fiican ama u dhigma. Sidoo kale mucaaradka macno umalaha in uu maalin kasta dowlada caayo in uu wanaageeda noosheego in uusan wanaag ahayn ee uu yahay xumaan.

Mucaarad waa jeedal aad u wanaagsan oo dowlada lagu jeedlo marka la rabo in ay socodkeeda wanaajiso hadey wadada kaleexatana lagula duwo lakin haddii sheygaas ama habkaas sidaas u wanaagsan la macno dilo oo la garaafeeyo  oo mucaaradnimada luuqluuqyo mugdi ah lala maro waxaa imaanaysa dowladii wax lagu toosiyo la waayo waxaa imaanaysa run kastoo uu sheegaayo in qof mucaarad sheegtay ama dowlad wax ka sheega warkiisa la noco jiilka soo korayo ee midnimada iyo dowladnimada u baahana ay ka niyad jabaan erayga mucaarad oo ay ka aaminaan duul umado kale u shaqeeya  sidaasna dowladu wax kasta kuxalaashato waxay doonaana ay sameeyaan madaxda dalku shacabkuna ay ku raacaan sax iyo qalad labadaba nimanka dalka hugaamiyo waayo lama hayo mucaaradnimo ku salaysan xaqiiq, wadaniyad iyo gobanimo. Mucaaradow haddii aad tahay wadani oo waxa aad noogu faanayso yihiin wadaniyad iyo halyeynimo waa in aad la timaado hadoodan talada dalka haynin burhaantaada iyo wadaniyadaada, kaa yeelimeyno hada luuqyada ayaan marayaa iyo meelaha mugdiga ah hadhowna socodkeyga ayaan wanaajindoonaa.

W/Q: XASAN CABDI FAARAX (SUJUUD)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid