Soomaaliya oo qaaday tallaabo cusub oo taariikhi ah – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kubadda cagta Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo cusub oo taariikhi ah, iyadoo markii ugu horreysay laba xul oo Wiilal iyo Gabdho ah oo da’doodu ka yar tahay 15 jir ay dalka ku matalayaan tartanka African Schools Football Championship, oo berri ka furmaya magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Ka-qaybgalka xulalka Soomaaliyeed ee tartankan ayaa da’yarta dalka u ah fursad muhiim ah oo ay ku helayaan khibrad heer caalami ah, isla markaana ay kula tartami doonaan dhiggooda ka socda dalal kala duwan oo Afrika ah.

Labada xul ayaa sidoo kale tartanka ku soo bandhigi doona kartidooda iyo xirfadahooda ciyaareed, iyadoo tartankan loo arko mid kaalin muhiim ah ka qaadan kara horumarinta iyo kobcinta ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliyeed.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa sheegay in ka-qaybgalka Soomaaliya uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kubadda cagta dalka, gaar ahaan tartamada loogu talagalay ciyaartoyda da’yarta ah.

Xiriirka oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa mudnaan siinaya horumarinta jiilka cusub iyo abuurista fursado ay ciyaartoydu ugu gudbi karaan heerarka sare ee kubadda cagta.

Tartanka African Schools Football Championship ayaa sidoo kale fursad u noqonaya ciyaartoyda Soomaaliyeed inay helaan is-dhexgal iyo khibrad caalami ah, iyagoo la kulmaya ciyaartoy da’yar oo ka kala socda dalal kale oo qaaradda Afrika ah.

Si kastaba, ka-qaybgalka labada xul ayaa loo arkaa bilow muhiim ah oo Soomaaliya ay ku xoojinayso joogitaankeeda tartamada kubadda cagta ee qaaradda, iyadoo la rajeynayo in ciyaartoydan da’yarta ah ay mustaqbalka noqdaan xiddigo matala xulka qaranka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News