Ujeedka kulan ay yimaadeen DF, Dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha samafalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta  guddoomiyay kulan heer sare ah oo looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gurmadka iyo maareynta musiibooyinka.

Shirka oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, wasiirrada arrimaha gargaarka ee Dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah iyo bah-wadaagta bani’aadannimada.

Inta uu socday kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda howlaha gargaarka, dardargelinta gurmadka bani’aadannimo iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen musiibooyinka iyo xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan diyaar-garowga, digniinta hore iyo ka jawaabista khataraha la xiriira isbeddelka cimilada iyo saameynta laga filayo El Niño 2026.

Waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta kale ay si dhow uga wada shaqeeyaan ka hortagga musiibooyinka, diyaar-garowga iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi iyo isku-duwid mideysan, si loo hubiyo in gargaarka iyo adeegyada bani’aadannimo ay si hufan oo degdeg ah ku gaaraan dadka u baahan.

Sidoo kale wuxuu tusaale ka bixiyay baahida loo qabo in la xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda ee maareynta musiibooyinka iyo gurmadka degdegga ah.

Ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda iyo hababka isku-duwidda heer Dowlad-goboleed, si digniinaha hore loogu beddelo tallaabooyin degdeg ah, loona hubiyo in kheyraadka, gargaarka iyo taageeradu waqtigooda gaaraan bulshooyinka nugul.

Si kastaba, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo bah-wadaagta bani’aadannimada, iyadoo ujeeddadu tahay in si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha bani’aadannimo ee dalka ka jira, loona diyaargaroobo xaaladaha mustaqbalka.

Dhanka kale, Hay’adda SoDMA ayaa maanta soo saartay warsaxaafadeed ay ku xoojinayso diyaar-garowga dalka, iyadoo laga digayo saameynta la filayo ee El Niño inta lagu jiro bilaha Oktoobar iyo December (OND) ee xilli-roobaadka Deyrta 2026.

- Advertisement -

Read more

Local News