Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo haatan shir xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho ayaa ka hadlaya xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimo ku aadan xiisadda maamulka Puntland.
Kulankan oo uu guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa si gaar ah looga hadlayaa arrimo ku adan dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug iyo sidoo kale la wareegidda xerooyinka ciidamada PSF ee ay taageerto dowladda Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in golaha wasiirrada ay soo saari doonaan go’aanno adag oo la xiriira dhacdooyinkaas iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadeyso dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, shirka ayaa warbixinno looga dhagaysan doonaa xubnaha golaha oo ka warbixin doona shaqooyinka wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda iyo howlaha hortabin u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Khamiis walba golaha wasiirrada ayaa isugu yimaada shirkooda todobaadlaha ah, waxaase uu hadda kusoo aaday, iyada oo qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo uu guullo waa wan ka sheegtay Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
Puntland ayaa saaka warisay in xerada ciidanka PSF ee Boosaaso ay la wareegtay, waxaana ka horreeyay xeradii uu dagaalka ka dhacay ee Gaalkacyo.

