Kulanka BF oo furmay iyo guddiga doorashooyinka oo warbixin laga sugayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacado kadib ka furmay xarunta golaha shacabka, waxaana kulanka maanta looga hadlayaa warbixin laga dhageysanayo guddiga doorashada madaxda banaan.

Xildhibaanada ayaa inta badan kulankooda wuxuu furmayay 10:00 am, balse maanta dib u dhac labo saacadood ah ayaa ku yimid, walow markii dambe uu furmay.

Shaki badan ayaa laga qabay in kulanka maanta uu furmo, maadaama xildhibaano badan la waayay, balse ugu dambeyn 141 xildhibaan ayaa xaadirtay kulanka maanta xildhibaanada ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhageysanaya warbixin la sugayo guddiga doorashada madaxa banaan, waxaana guddiga laga sugayaa inay soo bandhigaan warbixin la xiriirta doorashada ka dhaceysa dalka 2020/2021.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sidoo kale waxay dhageysan doonaan warbixinta koowaad ee wax ka badalka sharciga Furdada.

Kulamadii ugu horeeyay ee kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka ayaa buuq ku bilowday, waxaana xildhibaanada horyaalo sharciyo badan oo muhiim u ah doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com