Kumaandooska Somalia iyo USA oo weeraray saldhig Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka kala tirsan Kumaandooska Dowlada Somalia, Mareykanka iyo AMISOM, ayaa duulaan cir iyo dhul ah ku qaaday Saldhiga weyn ee maleeshiyada Al-shabaab ay ku leedahay gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid qorsheysan oo lagu ugaarsanaayay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo muhiim u ah reer galbeedka, waxaana lasoo sheegayaa in weerarkaasi lagu khaarijiyay Saraakiil iyo Dagaalyahaano dhowr ah.

Saraakiil u kala hadashay dhinacyada weerarka fulinaayay ayaa sheegay in weerarka qorsheysnaa lagu dilay ilaa 11 Saraakiil iyo Dagaalyahaan ka tirsan maleeshiyada kuwaasi oo xiliga la weeraraayay ku guda jiray shir ay uga hadlayeen qalqal galinta amniga dalka.

Qorshaha weerarka ayaa ahaa Laba Sargaal oo maleeshiyada u qaabilsan dajinta weerarada laga fuliyo dalalka ka baxsan Somalia iyo kuwa lagu qaado xarumaha dowlada Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiisha lagu dilay weerarka uu kamid ahaa Sargaal cadan ah oo ay baadi goobayeen ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia.

Deegaanka laga fuliyay howlgalka ayaa waxaa xiliyo kala duwan ka dhacaayay howlgalo lagu beegsanaayay Alshababa badan.

Lama sheegin magacyada shaqsiyaadka lagu laayay Howlgalkaasi, balse waxa ay Saraakiisha weerarka hogaamineysay sheegen inay soo bandhigayaan Liiska shaqsiyaadka la dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com