Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay isku soo bax ballaaran oo ka dhacay garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay shacabka reer Gaalkacyo sida ay xoogga u saareen ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhexdooda ah, isagoo ugu baaqay in ay awooddooda isugu geeyaan adkeynta nabadda, dib u heshiisiinta bulshada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Gaalkacyo soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in Gaalkacyo ay tahay magaalo mideysa shacabka Soomaaliyeed loona baahanyahay in laga gudbo wax weliba oo kala qaybsanaan ah.
Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Gaalkacyo ayaa qayb ka ah safarkiisa shaqo ee nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.
Ka hor imaatinka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Gaalkacyo, Puntland ayaa si weyn u adkeysay ammaanka dhinaceeda magaalada Gaalkacyo, iyadoo la hakiyay isku-socodka labada dhinac ee magaalada. Maamulka ayaa socdaalka madaxweynaha ku tilmaantay mid abuuri kara qalalaase, waxayna heegan gelisay ciidamadeeda.
Xasan Sheekh iyo madaxda Dowladda Federaalka ayaa xilligan ku guda jira abaabul siyaasadeed oo la xiriira doorashada Galmudug, gaar ahaan ololaha JSP, iyadoo dowladda ay sidoo kale waddo abaabul ciidan oo ay sheegtay in looga gol leeyahay la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Magaalada Gaalkacyo waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo bulshada iyo dhinacyada siyaasadda, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka.






















