Kumuu ahaa Cabdisalaam Maxamed – Sarkaalkii NISA ee Shabaab ay ku iibsadeen $ 30,000 laguna dilay X/dhexe

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli soo baxaya faah-faahinta qaar ka mid ah maxaabiista lagu dilay weerarkii Isniinta ka dhacay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho kadib markii maxaabiista Al-Shabaab ay qoryo heleen kadibna weerareen ciidanka ilaalada.

Waxaa shalay la ogaaday in maxaabiistia la dilay ay ku jireen Ibraahim Maxamuud Maxamed oo ku xukunnaa 15 sano iyo Maxamed Daa’uud Dirir oo ku magac dheeraa Dr Raage kuna xukunnaa 15 sano.

Waxaa sidoo kale maanta la ogaaday in maxaabiista geeriyootay uu ka mid ahaa Cabdisalaam Maxamed Xasan oo ahaa sarkaal horey uga tirsanaa NISA balse xabsi daa’in lagu xukumay kadib markii la ogaaday inuu la shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab.

Cabdisalaam ayaa waxaa lagu helay sanadii 2014 dambi ah inuu sawirro iyo xog aqoonsi oo la xiriirta wakiilada hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA uu siiyey kooxda Al-Shabaab.

Cabdisalaam, oo xil sare ka hayey NISA ka hor inta aan la ogaan sirtiisa ah inuu ahaa laba-wajiile sidoo kale la shaqeeya Al-Shabaab, ayaa halis geliyey nolosha wakiilo badan oo saaxiibadiis ahaa oo uu sirtooda siiyey Al-Shabaab.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ogaaday in Cabdisalaam uu Al-Shabaab ula shaqeeyey sababo la xiriira dhaqaale loo ballan-qaaday, dhaqaalahaas oo gaarayey 30,000 oo dollar.

“Waxa uu doonayey inuu guursado lacag badanna wuu u baahnaa, laakiin Al-Shabaab waxay siiyeen oo kaliya in yar oo ka mid ah 30,000-dollar ee loo ballan-qaaday,” waxaa sidaas yiri sarkaal hadda ka hor la hadlay Idaacadda VOA, oo ka xog-warramay Cabdisalaam.

Cabdisalaam oo ku xukunnaa xabsi daa’in ayaa Isnintii ka mid noqday maxaabiista lagu dilay xabsiga dhexe.

Mas’uuliyinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in guud ahaa 15 maxaabis ah ay ku dhinteen iska horimaadkii ka dhacay xabsiga dhexe, islamarkaana 7 kale oo maxaabiis ahna la dhaawacay.

Taliska ciidanka asluubta yaa sidoo kale sheegay in afar askari ay dhinteen, mid kalena uu dhaawacay.