Kuno oo ku biiray ISIS + Kenya 2 cadow yeelatay

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay in Dul-yadeyn loona yaqaan Maxamed Kuno uu ku biiray kooxda Daacish ee ka dagaalanka dalalka Syria iyo Iraaq, gaar ahaan garabka Soomaaliya.

Joseph Boinett wuxuu sheegay dagaalyahanadaan inay ku sugan yihiin xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, halkaasi oo ay labo todobaad kahor ka geysteen weeraro ay ku dileen sargaal boolis ah iyo labo shacab ah oo dalka Kenya u dhashay.

Taliyuhu wuxuu sheegay tilaabadaan inay noqonayso caqabad kale oo soo food saaraysa ciidamada ammaanka Kenya, taasoo hadda kadib noqanaysa inay ku xisaabtamaan labo cadow oo kala ah Alshabaab oo gudaha Soomaaliya ay kula dagaalamaan iyo Daacish oo dhanka xuduuda ku sugan.

Mohamed Kuno ayaa loo aqoosan yahay inuu ahaa maskaxdii abaabushay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee lagu dilay 148 qof iyo sidoo kale weeraro kale oo ka dhacay gudaha Kenya.

Kenya ayaa waxaa marar badan weeraro dhiig badan ku daatay kala kulantay ciidamada Alshabaab, waxaana wali maskaxda dadka Kenyan ah aanan ka bixin weeraradii Jaamacada magaalada Gaarisa iyo weerarkii dhismaha Westgate.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com