La-taliyaha Farmaajo oo ka degay KISMAAYO – Ma hir-galay qorshihii Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in maanta uu garoonka diyaaradaha Kismaayo ka degay Cabdi Cali Raage oo ah shaqsi si weyn ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safarka Cabdi Cali Raage ayaa imaanaya kadib markii uu Ra’iisal wasaare Rooble soo saaray amar dhigaya in qofna laga celin karin garoomada dalka, taasi oo maalmo ka hor dhaqan galkiisa xilalkii uga qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Cabdi Raage oo sidoo kale ah Musharax u taagan xilka xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhowr jeer cadaadis hor leh kala kulmay maamulka Jubbaland, oo horraantii bishaan diyaarad uu saarna ka celisay garoonka Kismaayo.

La-taliyaha madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayuu maamulka Jubbaland ku eedeyay qal-qal gelinta amniga maamulkaas iyo abaabulo ka dhan ah.

Caasimada Online ayaa kal hore baahisay in go’aanka uu Rooble xilka kaga qaaday labada sarkaal, si gaar ahna Kulane Jiis ay guul-siyaasadeed dadban oo gadaal kasoo bixi doonta u tahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo maanta si shaacsan u soo baxday.

Xog lagu kalsoon yahay oo xiligaas ay Caasimadda Online ka dhex heshay kooxda arrimaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijisay in tallaabada xil ka qaadista Kulane Jiis ay tahay qorshe uu Farmaajo ka leeyahay Jubaland iyo Puntland, ra’iisul wasaare Rooble-na uu arrintaas qeyb ka yahay.

Ujeedada arrintaas ka dambeysay ayaa aheyd in lagu cadaadiyo Axmed Madoobe, oo dhammaan kooxda ololaha doorashada Farmaajo ka xirtay albaabka laga galo Kismaayo ee garoonka diyaaradaha, islamarkaana dadweynaha loo tusiyo mid ka hor imaanaya geedi socodka heshiiska doorashada haddii uu ka hor imaado amarka Rooble.

Ra’iisal wasaaraha oo u gogal xaaraya safarka Cali Raage ayaa maalmo ka hor xilkii ka qaaday Kulane Jiis oo Guddoomiyihii hore ee Gedo ka hor-istaagay in uu ka dhoofo garoonka Muqdisho, taasi oo lagu xoojinayo amarka ah “in qofna aan laga celin karin garoon ku yaala dalka.”