La-taliyihii Farmaajo: 2 arrin oo ka muuqata Shabaab ayaa muujinaya inay dolwad yihiin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xuseen Macalim Maxamuud lataliyihii hore amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo oo ayaa ka hadlay xaaladda Amniga ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Xuseen oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Canshuuraha ay Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka laga dhex gali karo.

La taliyihii amniga qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay ku xoogeysteen Magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in qaab dowli ay dadka lacag uga qaadaan waa sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab dad waa dili jireen, weeraro waa geysan jireen, balse haatan waxay bilaabeen qaabkii dowladeynta oo oo ay gaarsiiyeen meel kasta oo dalka ka mid ah, labo arrimood ayay xoojiyeen oo dowladnimada aas aas u ah, sida canshuurta dowlada qaado oo kale, xukunka iyo cadaalada”ayuu yiri Xuseen Macalin.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay markaas si toos ah ugu imaanayaan ganacsatada halka markii hore uu sheegay inay taleefoon usoo diri jireen.

“Qof socda ayaa u tagaya nin Ganacsade ah wuxuu leeyahay anigoo xubin Shabaab ah, lacag ayaa laga rabaa, halkii shalay taleefan la isku soo diri jiray, hada waxaa timid toos, waana joogista muuqata ee Al-Shabaab”ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale lataliyihii amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab ay ka geysan jireen Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay wax ka qabato habka cusub ay dadka lacagta uga qaadaan Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com