Kenya oo lacag dheeri ah ku bixineysa amniga, kadib weeraradii Shabaab.

Kadib markii falal amaandari ay ka bilowdeen Kenya ayaa Wasaarada amniga iyo qaranka dalka Kenya, waxay lacago malaayiin gaaraya  ay ku bixinaysaa  sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka dalka Kenya guud ahaan, xiliga ku aadan doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Kenya sanadka 2013.

Lacagtaan loogu talagay sugida ammaanka dalka Kenya ayaa gaareysa 6.5 bilyan oo shiling oo dheeraad ah, taasi oo intooda badan loo qeybiynayo dhamaan hay’adaha kala duwan ee amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, waxaana si gaar ah lacagtaan loogu talagalay in wax looga qabto dadka falalka amaandari kawada dalka Kenya.

Kenya ayaa ku micnaysay lacagahan dheeraadka ah ee ay u qoondaysay wasaarada amniga qaranka inay uga gol leedahay sidii laamaha amaanka si buuxda ay ugu diyaar garoobi lahaayeen la tacaalida dhacdooyin amniga lidiga ku ah xiliga doorashada ka hor iyo kadibba.

Wargeesyada ka soo baxa dalka Kenya gaar ahaan wargeyska daily Nation ayaa qoray in laga yaabo  falal lidi ku ah amaanka inay ka dhacaan dalka Kenya,marka la gaaro doorashada dalkaasi,kuwaasi oo sida la xusay geysanaya dhalinyaro xariir la leh Al-Shabaab oo ku sugan gudaha Kenya.

Kenya ayaa ka baqaysa in Ururka Al-qaacida ay sameen ay ku yeeshaan doorashada ka dhacaysa dalkooda.