Lafta Gareen oo beeshiisa ka waayey garab dhaqaale

Baydhabo (Caasimada Online) – Wuxuu ahaa kulan wajigabax ah, mana uusan fileynin in sidaas ay ula dhaqmi doonaan beesha Hariin ,laakiin lama filaan ayuu la kulmay musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay joojisay taageero maaliyadeed oo ay siineysay musharax Cabdicasiis Lafta Gareen, kadib markii ay hoos u dhacday rajada laga qabo inuu guuleysto.

Dood badan ayaa ka timmid sida uu Lafta Gareen ugu guuleysan karo doorashada dhici doonta 5ta bishaan December, waxaana aan xogta ku helnay in Dowlada dhexe ay dib u gurasho sameysay ,madaama ay adkaatay in Digil iyo Mirifle laga gado Cabdicasiis Lafta Gareen , oo gobalka taariikh madoow kuleh.

Musharax Lafta Gareen ayaa asbuucan la fariistay ganacsatada iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay ee Hariin ee ku sugan Baydhabo waxaana uu weydiistay taageero maaliyadeed, laakiin kama uusan helin jawaabtii uu rabay.

Mid ka mid ah ganacsatadii kulanka ka qeyb gashay oo diiday in aan magaciisa xigano ayaa u sheegay Caasimada Online inuu Lafta Gareen dalbaday lacag dhan $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar).

Wuxuu sheegay inuu aad ugu celceliyay “Balan ayaa rag iiga baxeen, dadka qaar isku haleyn ma galaan” iyo ereyo kale oo loo fahmay inuu ula jeedo Dowlada dhexe.

Ganacsatada beesha Hariin ayaa sheegay in aaney hada awoodin iney wax dhaqaale ah ku taageeraan Lafta Gareen, iyagoo ku dooday inuusan markii hore isku sharaxin talada beeshiisa. Nin ka mid ah odayaashii meesha ka hadlay ayaa yiri “Qoladii kusoo dirtay ha dhameystirto howsha”

Waxaa la sheegay in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ay taasi niyad jab iyo rajo beel kusii riday. Kulankaan lagu hugoobay ayaa kusoo aadaya iyadoo ay maalmo uun ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com