Laba ka mid ah Senatorada mucaaradsan Farmaajo oo kuraastooda waayey + Video

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo.

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo shalay soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo.

Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Ilyaas Cali Xasan, ayaa waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waana xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigaas, Xuseen Sheekh Maxamuud uu xubin sare ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online ayaa fahansan in go’aanka Ilyaas iyo Xuseen looga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare uu ka yimid madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka go’an tahay in xildhibaano daacad u ah ay kasoo baxaan Koonfur Galbeed. 

Kursiga Ilyaas ayaa waxaa loo sharxay inay ku tartamaan laba gabdhood oo kala ah; Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, halka kursiga Xuseen Sheekh Maxamuud loo sharxay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.

Lafta-gareen ayaa sameeyey in kursiga Ilyaas Cali Xasan oo kasoo jeeda beesha Eelaay, uu u wareejiyey beesha Hariin ee uu kasoo jeedo lana filayo inay ku guuleysato Ayaan Aadan Cabdullahi, maadaama Lafta-gareen uu wato.

Kursiga Xuseeen Sheekh Maxamuud, oo kasoo jeeda beesha Hadamo ayaa weli dhexyaalla isla beesha Hadamo, oo ay kasoo wada jeedaan Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sabab la’aan looga reebay liiska, waxaa uuna intaa raaciyey inuu filayo inuu eersaday mowqofkiisa dal dhisidda ahaa.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale la filayaa in shanta kursi ee kala ee harsan ee musharaxiintooda laga sugayo, uu ka reebo cid kasta oo loo arko inaysan daacad u aheyn ama u noqon doonin madaxweyne Farmaajo. 

Sida ay horey u shaacisay Caasimada Online, xildhibaanada Koonfur Galbeed, beelaha Shanaad, Banaadiriga, iyo Dir, ayaa waxaa maamulkooda si buuxda gacanta ugu haya Farmaajo.

Arrintan ah in siyaasiyiin laga hor istaago tartan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa guud ahaan geedi u socodka doorashada iyo hufnaanta la rajeynayey.

Si kastaba, Lafta-gareen ma billaabin arrintan, waxaana kaga horeeyey madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo liiska ka reebay laba xildhibaan oo hadda ka tirsan Aqalka Sare, kuwaas oo ku aragti ah madaxweyne Farmaajo.

Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa waayey kuraastooda kadib markii laga saaray liiskii uu soo gudbiyey Axmed Madoobe.

Kursiga uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Xaashi Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay.

Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow), waxaana kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed.