Lixda qodob ee ugu kulul ee ku jira war-murtiyeedka madax gobolleedyada

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa goor dhow waxa ay magaalada Garoowe kusoo gabagabeeyeen shir halkaasi uga soconayey Afar maalin, waxaana lasoo saaray War-murtiyeed ay arrimo badan kaga hadleen,

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada ugu kulul ee ku jiro war muriyeedka kasoo baxay Maamulada:

  1. Goluhu wuxuu mar kale ku celinayaa in mowqifkiisii ku aadanaa hakinta wada shaqeynta Dowlad Dhexe aysan waxba iska badalin ilaa iyo inta Dowladu ka soo marayso wadada saxda ah.
  2. Goluhu wuxuu canbaareynayaa siyaasada guracan ee Dowlada Dhexe hormuudka ka tahay ee ku salaysan burburinta hannaanka federalka iyadoo wakhti iyo dhaqaale badan oo la rabay in loo isticmaalo ladagaalanka argagaxisada iyo horumarinta dalka loo leexiyey iska horkeenka shacabka rer Galmudug iyo burburinta maamulada Dowlad Goboleedyada, waxaana cadeyn ugu filan isku dayga afganbiga siyaasadeed ee ka socda Caddaado taas oo ka turjumaysa sida hogaanka sare ee Dowlada Dhexe uusan u aaminsanayn ku dhaqanka hannaaanka federalka.
  3. Goluhu wuxuu ku baaqayaa Shirweyne Wadatashi Qaran oo lagu qaban doono mudo bil gudaheed ah Magaalada Dhuusamareeb oo ay kasoo wada qayb gali doonaan dhamaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasadeed si loo badbaadiyo dalka.
  4. Goluhu wuxuu saluugsanyahay doorka beesha caalamka oo ilaa hada ku jira xaalada arag oo sug (wait and see) taas oo qayb weyn ka ah waxyaabaha Dowlada Dhexe ku dhiiri galinaysa mowqifkooda ku salaysan iska indho tirka xaqiiqda jirta ee amni iyo siyaasadeed ee sii cakirmaysa.
  5. Goluhu wuxuu isku raacey inuu sameeyo Xisbi Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga Hurusocod Qaran(National Progressive Party) oo ay ku mideysanyahiin afarta Dowlad Goboleed ee hada shirkan kasoo qayb galay, waxaana si kumeel gaar ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inta laga gaarayo shirweynaha Xisbiga.
  6. Tan iyo intii Dowladan hada jirta xukunka lawareegtay horaantii 2017, Goluhu wuxuu si joogta ah u soo bandhigayey tilmaamo iyo talooyin ka turjumayey sidii lagu sugi lahaa amniga loona badbaadin lahaa dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana marar badan la dajiyey qorsheyaal iyo hanaan amni oo lagu xaqiijin karey in lagaaro hadafkaas. Waxaase nasiib daro ah in fulinta dhammaan isku dayadaas lagu guul daraystey sababo la xiriira iyadoo aysan dowlada dhexe lahayn aragti iyo qorshe dhab ah oo amni taasina ay keentey in si buuxda amnigu faraha uga baxo dalkuna uu qarka u saaranyahay in Alshabab mar kale lawareegto, taas oo cadeynaysa in aan amniga dalka lagu aamini karin Dowladda Dhexe.
  • In la dhiso Golaha Amniga Dowlad Goboleedyada oo hormuud ka noqon doona arrimaha Amniga Dowlad Goboleedyada (Interstate Security Council).
  • In la isku daro ciidmo kamid ah Daraawishta Dowlad Goboleedyada kuwaas oo marka la isku dhafo yeelan doona hogaan midaysan (one Command and Control) kadibna loo isticmaali doono xoreynta deegaamada dalka ee wali gacanta cadowga ku jira.
  • In mudo laba bilood ah Dowlad Goboleed kasta ciidankan isku dhafka ah ku soo biiriyo 1,000 askari si laysula tababaro kadibna si wadajir ah u wada hawlgalaan. GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA -GIDG- 2
  • In la abuuro sanduuq dhaqaale amni oo mideysan kaas oo lagu maal galin doono miisaaniyada ku baxaysa ciidankan. 1.6 Sidoo kale waxaa la isku raacay in Dowlad Goboleedyadu yeeshaan hannaaan kooban oo u gaar ah oo ay ku wadaagaan wararka sirdoonka cadowga.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com