Ma dhab baa in la dilay amiirkii Al-Shabaab ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan lagu kalsooneyn oo aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in duqeymihii maalin ka hor ka dhacaayay deegaanka Baladul Amiin lagu dilay Saraakiil ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wararku waxa ay sheegayaan in duqeyntaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu dilay amiirkii Maleeshiyada ugu magacawnaa Gobolka Sh/hoose, inkastoo aan xogta si rasmi ah loo xaqiijinkarin.

Weerarka la sheegay in Gudoomiyaha lagu dilay ayaa ka dhacay deegaanka Baladul Amiin oo qiyaastii 30 KM u jira degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Bartilmaameedka duqeynta ayaa aheyd Gudoomiyaha G/Sh/Hoose Abuu Cabdalle, Horjoogaha Maleeshiyada dhanka Sirdoonka Gobolkaasi u qaabilsan iyo Todobo saraakiil kale oo ay kamid ahaayen Horjoogayaasha gacanta ku kala hayo Militeriga iyo Booliska Maleeshiyada Alshabaab ee G/Sh/Hoose.

Duqeynta la sheegay in lagu dilay qaar kamid ah Saraakiisha ayaa waxaa hagaayay qalab Kooxdaasi xili hore loogu sii diyaariyay goobta oo aheyd mid uu shir uga socday Horjoogayaasha.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Goobta shirka uu ku sugnaa Gudoomiyihii hore ee Alshabaab ugu magacawnaa G/Sh/Hoose iyo kan hadda xilka haya Abuu Cabdalla, waxaana shaki laga muujiyay midka uu yahay kan lagu dilay duqeyntaasi.

Deegaanka Baladul Amiin ee Gobolkaasi ayaa waxaa hadda ku xoogan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dagaal kala soo horjeeda DFS iyo xoogaga AMISOM.

Ma jiro wali wax war rasmi ah oo Al-shabaab ay kasoo saareen duqeymaha ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose ee la sheegay in Saraakiisha looga dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com