Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u bilaabay howl-gelinta biyo-mareennada degmada Shangaani, iyadoo mashruucan uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu dayactirayo kanaallada iyo dhuumaha qaada biyaha roobka si loo yareeyo fatahaadaha iyo biyo-fariisadka ka dhasha xilliyada roobabka.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in biyo-mareenka laga hirgelinayo degmada Shangaani uu dhererkiisu gaarayo 500 oo mitir, isla markaana uu door muhiim ah ka qaadan doono hagaajinta bilicda magaalada, dardar-gelinta nadaafadda iyo fududeynta qul-qulka biyaha roobka.
Sidoo kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha magaalada Muqdisho, si looga hortago dhibaatooyinka soo noq-noqda ee ka dhasha biyo-mareennada xiran ama burburay.
Maamulka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay waxyeello gaarsiiso ama caqabad ku noqoto biyo-mareennada la dhisayo, isagoo caddeeyay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo falalkaas.
Xilliyada roobabka, qeybo badan oo ka tirsan Muqdisho ayaa waxaa ka dhasha biyo-fariisin sababa in waddooyin muhiim ah ay xirmaan, taas oo saameyn ku yeelata isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dadweynaha.
Meelo badan oo caasimadda ka mid ah ayaa inta badan loo adeegsadaa booyado si looga saaro biyaha ku fataha waddooyinka, hase yeeshee arrintaasi waxay keentaa dib u dhac ku yimaada isu socodka iyo culeys dheeraad ah oo soo wajaha shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka.
Dib u howlgelinta biyo-mareennada degmada Shangaani ayaa la filayaa inay wax ka tari doonto yareynta fatahaadaha xilliyada roobka, isla markaana ay gacan ka geysato hagaajinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu sheegay inuu sii wadi doono mashaariicda lagu horumarinayo kaabeyaasha muhiimka ah ee Muqdisho.

