Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay qaaday tallaabo culus oo farxad-gelisay reer Muqdisho, kadib markii uu ku dhawaaqay in la bilaabay dhismaha waddada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Dhismaha waddadan ayaa waxaa horay u saameeyay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho oo hakad-geliyay, iyada oo haatan maamulka gobolka Banaadir uu dhismo ku bilaabay, si wax looga qabto dhibaatada ka taagan waddadaas.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa shaaca ka qaaday in waddadan lagu soo celin doono sidii ay ahaan jirtay bariisamaadkii, isla markaana lagu sameyn dib u dayactir, maadaama ay halbowle u tahay isku socodka ganacsiga, dadka iyo gaadiidka.
“Waxaan rabnaa inaan ka howlgalno waddada Bakaaraha oo aan dhisno, kuna soo celino sidii bariisamaadkii ay ahaan jirtay Shirkadda Docol oo aan siinay mashruucaas iyadana waxay ballan qaaday in muddo isbuuc ah ay ku dhisto waddadaas,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Dhanka kale, maamulka gobolka ayaa sheegay in muddo kooban lagu soo gabagabeyn doono dhismaha waddada, isla markaana ay xirnaan doonto muddadaas, maadaama shaqo adag laga qabanayo isgoyska Bakaaraha.
Maamulka ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan muddada todobaadka ah ee ay socoto dhismaha waddada, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ay khusayso si loo fududeeyo howlaha dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha magaalada.
“Reer Banaadir waxaan mar kale uga cudur daaraneynaa culayskii ay horay ula kulmeen iyo hadda oo aan rabno in maainta Sabtida ah aan xirno waddadan oo ay culays kala kulmi doonaan inay maalmahaan kooban dulqaataan innagy iyaga u shaqeynaa oo aan adeegayaal u nahay,” ayuu raaciyay.
Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayo Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u sheegay in ololahiisa ku aadan hormarinta caasimada iyo bilic soo celinteeda uu sii socon doono, iyadoo la adkeynayo fulinta awaamiirta la xiriirta nadaafadda guud ee magaalada Muqdisho.

