Madaafic Muqdisho ku soo dhacay

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa caawa laga maqlay madaafiic xooggan.

Dad ku sugan degmada Xamar-Weyne oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay  in ay maqleen ilaa afar madaafic oo ku soo dhacday degmadaas.

Si dhab ah looma oga in ay khasaaro geesteen madaafiicda caawa laga malqay magaalada Muqidsho gaar ahaan degmada Xamarweyne.

Taliyaha saldhigga afar irdood oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in wax khasaaro ah aysan geesan madaafiicda ku dhacda degmada Xamarweyne.

Wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaan, isagoona ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab ay ka dambeeyeen madaafiicda ku dhacday degmada Xamarweyne.

Ma ahan markii ugu horeysay oo madaafiic laga maqlo degmooyinka magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan degmada Xamarweyne ayaa la sheegayaa in ay cabsi la soo daristay markii ay maqleen madaafiicda ku soo dhacday degmadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.conm