Madaafiic lagu asqeeyay Xaafadaha hoostaga Magaalada..

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi lagu garaacay Madaafiic xogan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaafiicdaasi ay ku dhacday xaafadaha magaalada Marka iyo saldhigyo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Xaafadaha ugu badan ee Madaafiicdu ku dhacday ayaa dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in Madaafiicdaasi ay geysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicda ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad Afar ruux, halka tirro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Madaafiicda ayaa waxaa magaalada ku duqeeyay ciidamada AMISOM, inkastoo aan wali la sheegin sababta ka dambeysay in ciidamada AMISOM ay madaafiic u qeybiyaan Xaafadaha Magaalada Marka.

Ma jirto cid ka hadashay Madaafiicda dhaawac iyo dhimashada geystay ee lagu asqeeyay magaalada Marka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com