Madaafiic lagu asqeeyay xero ciidamo ajaanib ah ay ku jireen oo ku taala Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay aan laga jiifan qeybo kamid ah Degmada kadib markii duqeymo lagu weeraray Xerada Maslaxa oo Saldhiga Militari ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Xerada ayaa waxaa lagu garaacay Madaafiic dhowr ah oo la sheegay inay ku dhaceysay gudaha iyo daafaha Xerada.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ku dhawaad 13 Madfac lagu garaacay xerada, waxa ayna Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada kusoo jawaabayeen rasaas xoogan oo ay ku aamusinayeen Madaafiicda.

Madaafiicda kadib ayaa la sheegay in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay Ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaad la sheegay inay ku diyaarsanaayen agagaarka Xerada.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa bartooda internet-ka ku sheegteen mas’uuliyada Weerarka lagu qaaday Xerada Ciidamada AMISOM ee Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyadu waxa ay tilmaantay in Weerarkaasi ay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku aadan Weerarka Madaafiicda ahaa ee xalay lagu qaday Xaruntooda Ciidan ee Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com