Madasha Badbaado Qaran oo digniin culus soo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa lagu shaaciyey in aysan gacmaha ka laaba doonin hadii madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ay ku dhaqaaqaan mudo kororsi, iyadoo aad loogu cambaareeyey go’aankii uu guddoomiye Maxamed Mursal kulamada golaha shacabka ugu joojiyey xildhibaano gaaraya ilaa 15 xubnood.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed waxey si adag uga soo horjeeddaa kordhinta xilka Madaweynaha iyo Baarlamaanka muddo xiloodkoodu dhammaaday.

Muddo xileedka Baarlamaanka ayaa ku ekaa 28 Diseembar ee 2020, halka uu muddo xileedka madaxweynahana uu dhammaaday 08 Febraayo ee 2021. Ma jiro go’aan ama sharci ka sarrayn kara Dastuurka Dalka. Qodobka 60-aad ee Dastuurka ayaa qeexaya muddada xil heynta Baarlamaanka, wuxuuna dhigayaa sidatan;

“Muddada xil-heynta Baarlamaanka Federaalku waa afar sano oo ka biHaabata maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.”

Sidoo kale ayuu qodobka 91-aad ee Dastuurka wuxuu caddeynayaa muddo xileedka madaxweynaha, wuxuuna dhigayaa sidatan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka heynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka billaabata maalinta xilka loo dhaariyo”

Dastuurka waa sharciga ugu sarreeya ee dalka sida ku cad qodobkiisa 4aad;

“Dastuurka waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansameysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan”

Muddo kororsi waa marin dhidibbada loogu aasayo kali talisnimo, lagu carcialadaynayo dadaallada lagu doonayo in dalka doorasho ka dhacdo, laguna wiiqayo geeddi socodka nabadda, dimoqoraadiyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Madasha waxay caddaynaysaa in aysan gacmaha ka laaban doonin muddo kororsiga lagu carqaladaynayo doorashooyinka, laguna qalqal gelinayo xasilloonida, dimoqoraadiyadda iyo horumarka dalka.

Madashu waxay canbaareynaysaa go’aanka sharci ku tumashada ah ee uu guddoomiyaha Golaha Shacabku uga hor istaagayo 15 xildhibaan ka qeybgalka kulamada Golaha, iyo qalqal gelinta amnigooda shakhsiga ah.

Madashu waxay mas’uullyadda dhibka soo gaara xildhibaannada dusha ka saaraysaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Maxamad Mursal Sheekh C/raxmaan oo magacyada xildhibaannada dhigay baraha koontorool ee ciidanka , amrayna in awood ciidan loo adeegsado.

Waxey kaloo madashu canbaareynaysaa ciidanka nabadsugidda ka tirsan ee Golaha Shacabka hubka la soo dhex galay.

Tallaabadani waxey tusaale cad u tahay qorshaha lagu doonayo in ciidanka loo adeegsado boobka doorashooyinka dalka. Waxeyna xoojinaysaa dalabka Madasha ee ahaa in mas’uuliyadda amniga dalka laga wareejiyo Madaxweynaha rnuddo xileedkiisa dhammaaday.