“Madax goboleedyada oo ah agoomihii TPLF, waxaa u dambeysa sida Cabdi Iley”

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin Dawaar ayaa u digay hoggaamiyeyaasha maamulm goboleedyada, isaga oo sheegay in ay ku dambeyn doonaan sidii madaxweynihii hore ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley, oo hadda xabsi ku jira isaga oo maxkamad sugaya

Faarax Macallin ayaa ku tilmaamay madaxda maamul obolleedyada AGOOMIHII TPLF (TPLF waa kooxdii Tigrayga ee muddada xukumeysay Ethiopia, ee dhowaan xukunka weysay”, waxaana uu hadalkiisa u dhacayey inay ayagana meel cidlo ah kusoo dhaceen.

Faarax Macallin waxa uu sidoo kale sheegay uu dhammaaday waqtigii kooxda al-Shabaab, maadaama la xirxiray saraakiil Tiugray ahaa, oo sida uu sheegay gacan saar a lahaa.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu ku caddeeyey in loo xuubsiibay taliyeyaashii Itoobiyaanka ahaa ee gacan saarka la lahaa Al Shabaab oo uu hadda waqtigoodu tirsan yahay, maadaama aysan gacan badan heli doonin.

“Dr Abiy waxa uu wada bedelay dhammaan taliyeyaashii TPLF ee gacan saarka la lahaa Al-Shabaab ee ka tirsanaa ciidamada Amisom. Maalmaha Al-Shabaab wey tirsan yihiin. Waxaa ku xiga agoontii TPLF, ama waxa loogu yeero madaxweyneyaasha maamul gobolleedyada. Madoobe, Gaas, Sakiin iwm. Billaabaa in aad calaladiina gurataan hadda kuna dambeysaan sidii Cabdi Ileey” ayuun yiri Faarax Macallin.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com